Dowlada federaalka iyo maamulka koonfur galbeed oo oo ka hadley qarixii lagu diley Cabdullahi Waafow

0
304

Mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda Federaalka ah eeSoomaaliya iyo Maamulka koonfur Galbeed ayaa ka hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Maanta lagu dilay Guddoomiyihii Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliya ,Wasiir ku xigeenka,Wasiiru dowlaha , Agaasimaha guud iyo guud ahaan bahda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha unaxariistee Guddoomiyihii Degmada Marka iyo mas’uuliyinta kale ee ku geeriyoodeen qaraxii maanta ka dhacay Degmada Marka.

Dhinaca kale Wasiirka amniga gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Marxuum Gudoomiye Cabdullahi waafow Gudoomiyihii Degmada Marka ee gobolka shabeellaha hoose oo maanta qarax ismiidaamin ah lagu diley, wasiirka ayaa Ilaahey uga baryey inuu naxriistiisa Janno ka waraabiyo.
Aamin Aamin.

Alle ha u Naxariistee Gudoomiyihii magaalada marka ayaa u geeriyooday qarax ismiidaamin ahaa oo Maanta lagula beegsaday afaafka hore ee Xarunta degmada marka, waxana sidoo kale qaraxa ku dhintay qaar kamid ah ilaaladiisa iyo dad kale.