Gudoomiyihii degmada marka oo qarax ismiidaamin ah lagu diley

0
321

Warar hordhac ah oo aynu ka heleyno degmada marka ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin ah oo goor dhaweyd ka dhacay degmada marka ee gobolka Sh/hoose uu ku dhintay guddoomiyahii degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafoow iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulka degmada Marka, askar iyo dad shacab ahaa.

Qaraxa Ismiidaaminta ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay guud ahaan magaalada Marka, waxaana tirada dhimashada lasoo sheegaya iney kor u dhaaftay 10 ruux, islamarkaana uu dhaawaca intaasi ka badan yahay, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaankaasi.

Xaalada magaalada Marka ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay isku gadaamay ciidamo ka tirsan kuwa amniga magaaladaasi, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha amaanka degmada iyo maamulka gobolka Sh/hoose oo ku aadan qaraxa goordhaw gilgilay magaalada Marka Caddey.