Bangiga aduunka oo somaliya u ansixiyey 100 milyan oo doolar

0
261

Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay $100 milyan oo deeq ah oo lagu taageerayo sii wadida dadaallada dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya ee lagu gaarayo heerka dhameystirka dayn cafinta dalka.

Dhaqaaalahan ayaa waxa uu taageerayaa dadaalka dawladda ee daah-furnaanta maaliyaddeed iyo kordhinta dakhliga iyada oo loo marayo iswaafajinta nidaamyada kastamka ee federaalka iyo hagaajinta maamulka maaliyadeed ee dowladda dhexe.

Maaddaama ay Soomaaliya sii wajaheyso dhibaatooyinka isbedelka cimilada la xiriira, taageeradan dhaqaale ayaa lagu xoojinayaa adkeysiga dhaqaalaha iyo maalgashiga kalluumeysiga iyo tamarta dib loo cusboonaysiin karo si loo abuuro shaqooyin loona kobciyo.

Bangiga adduunka ayaa sheegay in bishii Juun 2022, 46% dadka Soomaaliyeed ay soo food saartay cunto yari taasoo ay ugu wacan tahay xaaladaha abaareed ee sii xumaanaya iyo saamaynta sicir bararka, sida sare u kaca qiimaha cuntada iyo shidaalka, qayb ahaan waxaa sabab u ah dagaalka ka socda dalka Ukraine.