
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha ayaa ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) kaasi oo ka dhacaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, isaga oo madaxda dalalkaas uga warbixin doona fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan dhanka waxsoosaarka, maalgashiga iyo dadaallada dhiirri-gelinta mudan ee ganacsatada Soomaaliyeed.
War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ahmiyad weyn siinayo kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Dalladda Bulshada Geeska Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tansaaniya.