Ciidamada danab oo howlgalo ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka shabelaha dhexe

0
433

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 7aad Guutada 16-aad ayaa howlallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ka sameeyay degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa Ciidamada sigaar ah uga fuliyay degaanka madaxgise ee Gobolka Shabeelaha dhexe, halkaas oo siweyn ay ugu xooganayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 7aad Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska DANAB laba Xidigle Siciid Muuse Hassan (Siciid Khabiib) ayaa sheegay in howlalka lagu qabtay Saddex dagaalame oo katirsan Ururka Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanka madaxgise ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in howlgalka ay kusoo furteen laba qoray oo nooca Ak47 oo isticmaalayeen Al-Shabaab, kuwaas oo uu sheegay inay laamaha Amnia kale ee dalka u gudbinayaan.