Midowga yurub oo 13.5 milyan ugu deeqay miisaaniyada dowlada

0
398

Midowga Yurub ayaa lacag dhan 13.5 milyan oo Yuuro ku taageeray miisaaniyadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Lacagtan oo lagu shubayo qasnada dowladda, ayaa qayb ka ah 92.9 milyan oo Yuuro taageero miisaaniyadeed iyo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo uu maalgeliyay Midowga Yurub.

Kaalmadan ayaa ka kooban qaybo joogto ah iyo kuwo isbeddelaya, waxayna ku xiran tahay horumar lagu sameeyo dib-uhabayn dhaqaalaha Soomaaliya.

Taageerada tooska ah ee EU-da ee miisaaniyadda federaalka, waxaa looga golleeyahay in lagu taageero hirgelinta qorshaha horumarinta qaranka ee Soomaaliya (NDP-9) iyo taageeridda dib-u-habaynta dhaqaalaha.

Midowga Yurub ayaa sheegay tallaabadani inay tahay qayb ka mid ah ballanqaadyada taageerada dadaallada kobaca dhaqaale ee loo dhan yahay ee Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowladnimada.