Shacabka degmada beledweyne oo looga digey isticmaalka biyaha webiga

0
329

Waxaa isa soo taraya walaaca laga muujinayo isbadal la sheegay iney ku yimaadeen midabka biyaha wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Baledweyne oo noqday kuwa madoobaad ah, islamarkaana uraya.

Maamulka degmada Baledweyne oo warbaahinta kula hadlay wabiga Shabeelle qarkisa ayaa uga digay shacabka reer Baledweyne iney isticmaalaan biyaha wabiga Shabeelle oo ay sheegeen iney yihin biyaha uu haatan wato kuwa sumeysan.

Guddoomiyaha degmada Baledweyne Cismaan Dhicisoow Dhuuboow ayaa digniin u diray maamulayaasha Ceelasha biyaha siiya magaalada Baledweyne iyo shacabka isticmaala biyaha wabiga, wuxuuna faray maamulayaasha Ceelasha biyaha iney tubooyinka kala baxaan wabiga oo haatan wata biyaha sumeysan shacabkana aysan cabin biyaha.

Dadka ku dhaqan gudaha Baledweyne iyo nawaaxigiisa ayaa inta badan isticmaala biyaha wabiga Shabeelle oo dhexmara Baledweyne, waxaana arintaan ay noqon doonta mid keeni karta caqabad weyn oo la xariirta helitaanka biyo nadiif ah.