
Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweysay heshiiska cusub ee ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, kaas oo lagu hagaajinayo xiriirka labada dal oo horey u xumaaday afartii sano ee lasoo dhaafay.
Maraykanka ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya iyo Kenya, isagoo ka caawiya dagaalka ay kula jiraan kooxda Alshabab iyo arrimaha gargaarka.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa jimcihii lasoo dhaafay heshiis ka kooban kow iyo toban qodob ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Labada madaxweyne waxay ku heshiiyeen in dib loo billaabo dhoofinta Qaadka Miirowga iyo qodobo kale oo furida xuduudaha ay ku jireen.