Shil diyaaradeed oo goor dhaweyd ka dhacay garoonka aadan cade ee magalada muqdisho

0
248

Wararka ka imaanaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw shil diyaaradeed uu ka dhacay gudaha garoonka.

Diyaarada shilka gashay ayaa la sheegay iney tahay mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Jubba Airweys, taasoo uu shilkeedu dhashay xili ay soo caga dhiganeysay dhabaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in lasoo badbaadiyay dhamaan rakaabkii saarnaa diyaarada oo ahaa 33 ruux oo ay kasoo qaaday magaalada Baydhabo, islamarkaana aysan jirin khasaare dhaafsiisan burburka ku yimid diyaarada rakaabka ah ee ka midka aheyd diyaaradaha shirkadda Jubba Airways.