
Wafdi uu horkacayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka gaaray magaalada Garoowe ee Puntland, halkaas oo lagu soo dhaweeyey.
Waxaa la filaayaa in Cabdiraxmaan iyo wafdigiisa ayaa mari doona meelaha ugu badan ay joogaan dadka abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaano iyo degmooyin ka tirsan Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in booqashada Ergeyga ay timid, kadib markii uu dalab usoo diray guddoonka baarlamaanka Puntland oo ka codsaday inuu kormeero deegaanada ay abaaraha ka jiraan, si uu usoo qiimeeyo xaaladaha dadka ay saameysay abaaraha jira.
Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta baahsan ee ka jirta qaybo badan oo ka mid ah dalka.