Ismaciil cumar geele oo bilad gudoonsiiyey madaxweyne Xasan shekh maxamuud

0
613

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xalay madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya guddoonsiiyay billad sharaf lagu tilmaamay midda ugu sarreysa ee ay bixiso Jabuuti.

Sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu ammaanay ama ku mutaystay billadan kaalintiisa xoojinta xiriirka labada dal.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Jabuuti, ayaa lagu sheegay inay billow u tahay sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotodadheer ee labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka ka dhaxeeya labada shacab.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu hadal ka jeediyo Baarlamaanka Jabuuti, si uu uga xog- warramo xaaladda iyo duruufaha Soomaaliya.