
Waxaa goordhaw degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ka degtay diyaarad siday gargaar raashiin ah oo qeyb ka noqonaya gurmadka dowladda Soomaaliya ay u sameeyneyso dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Diyaarada siday gargaarkaan raashiinka ah ayaa saakay ka duushay garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho oo ay ka sagootisay sii hayaha xilka wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ay wehlinayeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee deegaan doorashoodu tahay gobolka Hiiraan oo kala ah Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac.
Degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah deegaanada ay sida weyn u saameysay abaaraha ba’an ee xiligaan ka taagan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana taasi u sii dheer iney go’doon ugu jirto Al-shabaab magaaladaasi ku dhawaad 10 sano.
Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya maysan faahfaahin inta uu dhan yahay gargaarka ay Maanta ay u dirtay degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan, hayeeshee maaha mid dabooli karta baahida dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku dhaqan degmada Buula burte gargaar degmadaasi lagu geeyay hal diyaarad.