
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii Eritrea la geeyay dalka sida uga dhakhsiyaha badan dalka dib loogu soo celin lahaa.
Waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay sidii ciidankaasi ay qeyb uga noqon lahaayeen ciidanka Qaranka ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah xilka uga wareejiyay kadib munaasabad lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha cusub wuxuu madaxweynihii hore uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyay.
Madaxweynaha xafiiska baneeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweynaha cusub uga warbixiyay howlihii uu gacanta ku hayay ee u baahan in la dhameystiro kuwaas oo ay kamid yihiin deynta cafinta iyo dib u dhiska ciidanka.

Mw hasan horey ayaad u guryo dhisatey,ehelkada ka dhigtey milyineer.doorkan wax lagu xasusto u qabo dalka,diinta iyo beelaha somaliyeed ee dulman sida beesha darbane duwe digil.
Comments are closed.