
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku wargeliyay Wasiirka Arrimaha dibadda in laga bilaabo 1 Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii Golaha Wasiirada.
Qoraalka loo diray Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdi Saciid Muuse ayaa la faray in dhammaan shaqaalihii la bedeley dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

