Ex Senator Xuseen ooo la filaayo in loo magacaabo agasimaha madaxtooyada

2
390

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu magacaabo agaasimaha madaxtooyada marka uu maanta oo Isniin ah si rasmi ah xafiiska ula waraago, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xilkan ayaa la filayaa in loo magacaabo Xuseen Sheekh Maxamuud oo horay Senator u ahaa, balse kamid noqdey shaqsiyaadkii ay dulmiyey hogaamiyaha maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen taasoo keentey in loo diido inuu isku sharaxo kursigii uu horey ugu fadhiyey.

Magacaabista Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inay dejiso xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii la doortay aan laheyn nidaam rasmi ah, maadaama uusan cidna xil u magacaabin.

2 COMMENTS

  1. Wuxuu ka mid yahay kuwii dulmiga ku sameyey beesha darbane duwe digil wax kale wey u xarsan yihiin

  2. Waxaa tahay agasimaha madaxtoyada somaliya,waxaa hada albabka madaxtoyada laga galo hortagan tagan suldanka besha darbane duwe digil iyo nabadonadisa mudane agasime ka fur albabka si ay gudaha u galan una shegtaan bobka iyo dhibatada lagu hayo kuraasta siyasaded ee ay xaqa u leeyihiin.

Comments are closed.