Gudoomiyaha baarlamaanka oo kulan la qaatey warbaahinta ka howl gasha magalada muqdisho

0
198

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay madaxda warbaahinta madaxa banaan iyo qaar ka mid ah hoggaanka ururadda saxaafada ee dalka.

Guddoomiyaha wuxuu warbaahinta kala hadlay ahmiyadda ay leedahay in tabinta doorashada dhici doonto maalinta Axadda ah ee nagu soo aaddan ka yeelato aragti mideysan oo dan u ah qaranka.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in warbaahinta ay saaran tahay mas’uuliyad culus marxalladaan doorashada ah iyo tabinta najiitadaba, wuxuuna ku booriyay in ay mas’uuliyaddaas ka soo dhalaalaan.

Madaxda warbaahinta ayaa ayagana dhankooda waxay Guddoomiyaha u bandhigeen dhibaatooyin ay ka tirsanayeen gudigga maamulka doorashada oo warbaahinta u diiday in ay gudaha u galaan una tabiyaan doorashada.