
Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in caawa laga billaabo magaalada Muqdisho la galin doono xaalad Bandow ah oo looga golleeyahay adkaynta ammaanka magaalada Muqdisho oo ay berrito ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Afhayeenka ciiddanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in laga bilaabo caawa 9:00 PM, in magaalada Muqdisho aan laga oggolaan doonin isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Waxaa shacabka lagu wargaliyay inay magaalada ka adeegtaan ka hor in aan Bandowga lagusoo rogin
Afhayeenka Booliisku wuxuu sheegay inay xaaladdaha degdega u diyaariyeen isgaarsiin gaar ah oo dadku kala soo xiriiri karaan laamaha booliiska si loo caawiyo haddii ay u baahan yihiin arrin degdeg ah.