
Warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in saacadihii u danbeeyay ay garabka madaxweyne Farmaajo ka baxeen xildhibaannadii ugu badnaa oo uu ku xisaabtamayay dib u doorashadiisa.
Musharrax Farmaajo ayaa sida wararku sheegayaan lumiyay inta badan xildhibaannada laga soo doorto Koonfur Galbeed oo markii hore dhankiisa lagu tirinayay.
Xildhibaannada ka baxay garabka Farmaajo ayaa la sheegay in ay tan iyo xalay ku biireen dhinacyada musharrixiinta kala duwan ee ka horjeeda madaxweynaha mudda xileedkiisu dhammaaday.
Xogtu waxay intaas ku daraysa in xildhibaannada ka yaacay garabka Farmaajo ay kala aadeen musharrixiinta Xasan Shiikh Maxamuud Siciid Cabdullahi Deni iyo Shariif Shiikh Axmed.

Yaarabi noodoor mid kanaxaaya,u gargaraaya beelaha somaliyeed ee la dulmiyey,la bobey sida beesha darbane duwe digil iwm.dalka iyo diinta.
Comments are closed.