
Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusuna Waljamaaca ayaa saakay waaberigii ka bilowday magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.
Wararka aan helayno waxay sheegayaan in ciidamada Ahlsunna Waljamaaca ay weerar ku qaadeen xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada Galmudug, sida saldhigga Dhuusomareeb iyo xarumo kale oo ciidan.
Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo dadku ay bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda.
Lama oga waxa dagaalkaan dhaliyay, hase ahaatee tan iyo markii Ahlusunna laga saaray magaalada Guriceel waxay abaabul ciiddan ka wadeen tuulada Bohol oo hoos tagta degmada Dhuusomraeeb.
