
Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 5aad Guutada16 ayaa howlgal qorsheeysan ka fuliyay degaano hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa sheegay inay howlgalka ku burburiyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaannada kala Ah Qudus, Abaaqa ,Dharkeeyn & Urur, isla markaana dadka ay ku dhibaateyn jireen.
Sidoo kale howlgalka intii uu socday waxaa lagu dilay Saddex Xubnood oo katirsan Ururka Al-Shabaab laba kalena waa lagu dhaawacay sida uu Idaacadda Ciidamadda u xaqiijiyey Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Danab Taliye Carab Dheeg Axmed.
Dhinaca kale Kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB gaar ahaan Ururka 4aad Guutada 16-aad ayaa howlgal Qorshaysan ka sameeyey warta madax maroodi oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
