Reysulwasaare Rooble oo xaley kula la qaatey xildhibanada lagu doortey ceelwaaq

0
374

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay 16-ka xildhibaan ee Golaha Shacabka, kuwaas oo dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran, kuna boorriyay in ay dalkooda ay matalaan si hufan ugu adeegaan.

Dhankooda 16 Xildhibaan ee lagundoortsy Ceelwaaq ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha doorkii uu kulahaa doorashadooda iyo Guud ahaan qabashadii doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo dadaalkii uu ku bixiysy.