
Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo hadal jeedinta Musharaxiinta madaxweynaha, waxaana Maanta khudbadahooda Xildhibaanada labada Aqal ka hor jeedin doona 19 musharax oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.
Musharaxiinta Maanta ku qoran hadal jeedinta waxaa ka mid ah madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Sharfiif, madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.
19-ka Musharax ee Maanta khudbadahooda ka horjeedin doona Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxay ka hadli doonaan sooyaalkooda siyaasadeed waxyaabaha ay qabanayaan hadii la doorto iyo balanqaadyada ay sameyaan waqtiyada ay ku jiraan tartanada doorashada.
