
Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhaw soo saaray fariin ku socota Musharaxiinta u taagan tartanka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa looga dalbaday dhamaan Musharaxiinta iney guddiga usoo gudbiyaan magacyada Musharax kasta xubinta u qaabilsan tirinta codadka doorashada.
Guddiga ayaa qoraalka kasoo baxay waxay ku sheegeen in Musharaxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay aysan suuragal u noqon doonin inuu hoolka doorashada soo galo qof la socda, waxaana Musharaxiinta laga codsaday in ugu dambeyn Maanta 12:30 ay kusoo gudbiyaan magacyada xubnaha codadka u tirin doona.
Maalinta berito ayaa lagu wadaa in teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha cusub ee hogaamin doono dalka Soomaaliya afarta sano ee soo socota.