
Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka ATMIS-ka ee lagu bedelayo AMISOM.
Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) Gen. Wilson Mbasu Mbadi ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu sagootinayay guutada 35-aad ee (UGA BAG XXXV) ee loo soo diray Soomaaliya si ay uga qeyb galaan howlgalka cusub ee ATMIS.
U soo daabulitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo 10 maalmood ka dib magaca AMISOM loo beddelayo ATMIS oo ku beegan 31-ka March 2022.