Ciidamada boliiska oo xaley howlgalo ka sameeyey magalada muqdisho

0
426

Taliska ciidanka booliska ee qeybta Waliyood Cadde iyo ciidanka nabad-sugida ee NISA, ayaa xalay howlgallo qorsheysan oo amni xaqiijin ah ka sameeyay baraha kontrool ee ku yaalla isgoysyada Carwa cidko, Baar-ubax, Bakaaro, Balaaksii iyo isgoyska Shaqaallaha ee magaalada Muqdisho.

Taliye ku-xigeenka qaybta Waliyow Cadde Gaashaanle Isaaq Maxamed Ciise oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ciidanka ay u diyaar-garoobayaan sugida amniga magalada Muqdishu, maadaama ay nagu soo dhowdahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhinaca kale xaafaddaha magaalada Muqdishu waxaa kusoo batay dhac baahsan oo ay geysanayaan burcada hubeysan, kuwaas oo telefoonada iyo wixii lamidka ah ka qaata dadka.