
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in ay ka warhayaan mas’uuliyiin hore iyo kuwox xilal ka haaya Maamulka Gobolka Banaadir inay boobayaan dhul kuyaalla Shabeellaha Hoose.
Qoraal uu guddoomiyaha kusoo qoray barta Facebook ayuu ku sheegay in siweyn mas’uuliiintaas ay ku hayaan boob xoogan dhul kuyaalla deegaanka Jaziira ee degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose sida uu sheegay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in iyaga oo gudanaya waajibka ka saaran difaaca dhulalka danta guud ee gobolka uu shacabka u xaqiijinayo inay ka hortagi doonaan dhul boobkaas ay hormuudka ka yihiin qaar ka mid ah maamulka gobolka banaadir.
Gudoomiye Najax ayaa maamulka deegaanka jaziira farey inay gutaan waajibkooda kana hortagaan dhul boobka ka socoda degaanka ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Qawda maqashi waxba ha u qaban,In labobo dhulka shabelaha hoose,la barakiciyo shacabka digil,lagaqato gabare isbaro iwm waxaa masul ka ah adan najax iyo kuwa kaga sareya xukumad ku shega ka dhisan kgs sidasi darted warkisa waxba kamajiran.
Waxay camil u yihiin habargidir,abgal iyo dir kuma shaqeyan danta dalka iyo shacabka digilmirifle tusale waxay isbaheysi ka yihin in ay boban,xaqiran belaha digilmirifle sida darbane duwe digil,irole iwm maraban in ay dalka ka difacan kuwa aan kor ku soo shegay.
Comments are closed.