Wasiirka maaliyada iyo hay’ada IMF oo kulan ku yeeshay magalada washingtion

0
439

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku sugan magaalada Washington D.C ee Caasimadda dalka Mareykanka halkaasi oo shirar heer sare ah uu kula yeelanayo madaxda Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunkan iyo xubno sarsare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Maaliyadda dowladda Mareykanka.

Shirarkaan ayaa diirada lagu saari doonaa halka horurmarada laga sameeyay barnaamijka dib – u – habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo arrimaha dhamaystirka Deyn cafinta Soomaaliya oo ay Hey’addaha dhaqaalaha calaamka ay muhiim u yihiin.

Waxaa naga go’an in aan horumarino hanaanka gaba-gabada deyn_Cafinta Soomaaliya oo aan u soo marnay waddo dheer iyo Dadaal fara badan.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wafdiga Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya waxa ku wehliya Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya ee Washington Amb. Cali Shariif Axmed.