
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM xalay lagula eegtay qaybo ka mida gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan duleedka degmada Balcad.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa wuxuu haleelay gaari Taw ah oo ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada Burundi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Kadib qaraxa ciidamada ayaa sameeyey howlgallo kooban, balse ma jirto cid ay u soo qabateen weerarkaasi qaraxa ah ee lala beegsaday.
Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 6 askari, kuna dhaawacday saddex kale.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in askarta geeriyootay uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM, sida ay hadalka u dhigtay.
