Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka maamulka hirshabele oo xilka laga qaadey

0
499

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomihahii guddiga doorashooyinka maamulka Hirshabeelle Axmed Xasan Diini, isagoona u magacaabay xubin guddiga doorashada ka mid ah Maxamed Xuseen Maxamed Waadi.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa xilka qaadiska guddoomiyahii guddiga doorashooyinka maamulka Hirshabeelle u sababeeyay hagal daacin iyo hufnaan la’aan shaqo iyo inuu qatar galiyay amniga xubnaha guddiga iyo goobta doorashada.