
Maamulka galmudug ayaa sheegay in Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ay qaadeen tallaabo ka baxsan awooddooda, isla markaana kasoo horjeedaa heshiiyadii iyo habraacyadii Doorashooyinka.
Galmudug ayaa sheegtey ineysan marnaba aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka.
Ugu danbeyntii,Galmudug waxay ka digey waxkasta oo caqabad ku noqon kara dhameystirka hanaanka doorashooyinka.
Dhanka kale maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inaysan waxba kala socon jadwalka la faafiyay ee ku saabsan hannaanka loo marayo isu keenista, shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaannada la doortay ee Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna warqadda soo baxday aysan ahayn mid dhaqangal ah.
Koonfur Galbeed ayaa carabka ku adkeysey in ay aqbali doonto oo keliya jadwal iyo qorshe ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran kaasoo ku yimid wadatashi ay ka qeybqaateen dhammaan maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
