Mareykanka oo sheegey inuu kordhin doono xayiraada bixinta visaha kuwa ka shaqeynaya dib u dhaca doorashooyinka

0
414

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay, iyadoo raacaysa siyaasad ay ku dhawaaqay 8-dii Febraayo, oo qeyb ka ah sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, inay xaddidayso bixinta fiisaha kuwa la rumeysan yahay inay carqaladeynayaan hannaanka dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.

Inkastoo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay horumaro laga sameeyay doorashada aqalka hoose lana doortay tiradii ugu badnayd ee barlamaanka, haddana dowladda Maraykanku waxay sheegtay inay weli jiraan warbixino lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan khaladaad ka dhacay habraaca doorashada, Saxafiyiinta iyo xubnaha mucaaradka ah oo lagu sameeyay cagajugleyn, iyo xarig.

Ugu dambayn wuxuu sheegay Maraykanku inuu wadi doono siyaasadda isla xisaabtanka, tasoo uu sheegay in lagu taageerayo soo gabagabeynta degdegga ah ee hannaanka doorashada Soomaaliya si lagu kalsoonaan karo oo hufan.

Maraykanka ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo magacyada shakhsiyaadka uu kusoo rogay ama hadda kusoo rogayo cunqabataynta dhinaca fiisaha dalka ku galka.