Gudiga doorashooyinka heer federaal oo soo saarey jedwalka soo xareynta xildhibanada la doortey

0
477

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray jadwalka soo xareynta xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka 11-aad, iyadoo la qorsheeyey in ugu dambeyn 14-04-2022, la qabto xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka dalka.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in Maanta ay soo aruurinayaan dukumiintiyada Xildhibaannada, halka 24 Bisha ay mid mid u hubinayaan Xildhibaannada labada Aqal ee la doortay.

Soo kale Guddiga waxaa ay shaaciyeen in Guddoomiyaha Guddiga uu 31 Bishaan ku dhawaaqi doono natiijada guud ahaan Xildhibaannada dooran, halka 2/4/2022 la xareyn doono dhammaan Xildhibaannada labada Aqal si loo dhaariyo 5/4/2022.

Ugu dambeyn Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa sheegay in 11/4/2022 ay Xogheynta Golaha ku wareejinayaan xogta iyo liiska Xildhibaannada, sidoo kalena 14/4/2022 guddiga oo kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay qaban qaabinayaan Xafladda dhaarinta Xildhibaannada.