Maamulka koonfur galbeed oo maanta soo gabagabeyn doona yeerinta magacyada xildhibaanada dooran

0
390

Maanta Waxaa Magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeynayaa yeerinta magacyada kuraasta Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe .

Saacadaha soo socda ee maanta Talaadada ah Waxaa la yeerin doonaa magacyada 7da kursi ee ku harsaneyd deegaan doorashada koowaad ee Magaalada Baydhabo, Waxaa horey mgacyadooda loo yeeriyey 62 kursi, 7-da maanta hadii loo geeyo waxay ka dhigan tahay in 69 kursi ee taaley Koonfur Galbeed lasoo gaba gabeeyey .

Kuraasta magacyadooda la yeerin doono ayaa waxaa ku jira HOP 172 kaas oo sanadihii lasoo dhaafey ku fadhiyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana loo xirey Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Mahad Craxmaan Aadan.