
Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay in Somaliland ay qeyb ka tahay hal siyaasadeed oo Mareykanka u u ku wajaho Soomaaliya.
Hadalkan ayaa yimid ayada oo Washington uu booqasho ku joogo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay casuuntay hay’adda daraasaadka siyaasadda ee Heritage Foundation.
Sidoo kale, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa shalay sheegay in safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee Washington uusan waxba ka beddeli doonin mowqifka dowladdiisa ee ku wajahan Soomaaliya.
André, oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta Garowe Online, ayaa sheegay in inkasta oo Washington ay xushmeyso guulaha Somaliland, haddana ay weli u aragto gobol ka mid ah federaalka Soomaaliya.
Safiirka ayaa mar kale adkeeyey midnimada Soomaaliya iyo sida ay dowladda Mareykanka uga go’an tahay.
