
Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa dib u cusbooneysiisay digniinteeda ku aadan in dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya la jari karo haddii ay dowladda sii wado dib u dhigista doorashada dalka Soomaaliya ee qalalaasaha badan ay ka jirto.
Doorashada ayaa dib u dhac ku yimid in ka badan hal sano, waxaana dowladda 26-kii bishii Febraayo ay mar kale kordhisay waqtiga codeynta ee aqalka hoose ee baarlamaanka.
Barnaamijka IMF-ta ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dib u eegis lagu sameeyo bartamaha bisha May, balse waxaa laga yaabaa in maamul cusub uusan imaan Soomaaliya waqtigii loogu talagalay in lagu taageero isbedellada la qorsheeyay.
IMF waxaa ay sheegtay in Afartii sano ee uu xilka hayay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo waqtigiisa uu ku ekaa bishii February ee sanadkii hore, balse doorashadii loo qorsheeyay ay dib u dhac ku yimid markii uu isku dayay inuu waqti kororsado.
