
Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku geeriyooday 3 kalana way ku dhaawacmeen dagaal mudo kooban ka socday afaafka hore ee aqalka Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dagaalkan Maanta ka dhacay gudaha xerada Lamagalaay ee sababay khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca iyo cida uu u dhaxeeyay dagaalka.
Xerada Lamagalaay waxaa ku yaala aqalka madaxtooyada Hirshabeelle, kan maamulka gobolka Hiiraan iyo hoolka lagu qabanayo doorashada kuraasta Golaha shacabka, waxaana ku wada sugan gudaha xeradaasi boqolaal ciidan oo ka kala amar qaata madaxda Hirshabeelle, Xildhibaanadda waqtiga ka dhamaaday iyo kuwa isbadal doonka ah.
Xaalada magaalada ayaa haatan ah wali mid cakiran maadama ciidamadii wada dagaalamay ay wali kuwada sugan yihiin gudaha xerada lamagalaay ee magaalada Baledweyne.
