Dib u dhac ku yimid jadwalka doorashooyinka maamulka hirshabeele

0
211

Guddiga doorashooyinka maamul goboleed Hirshabeelle ayaa shaaciyay inuu dib u dhac ku yimid jadwalkii soo gudbinta guddiga xulista ergada 11 kursi oo ay dhawaan shaaciyeen jadwalka qabashada doorashadooda, islamarkaana ay sheegeen in sababo farsamo awgood dib u dhaca ku yimid.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in dhamaan daneeyayaasha doorashada lagu wargelinayo inuu dib u dhac ku yimid jadwalkii doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta doorashadoodu ku harsan tahay magaalada Baledweyne.

Dib u dhaca Maanta ay shaaciyeen guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa kusoo beegmaya xili Maanta qorshuhu ahaa in guddiga bilaabaan diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan 11-ka kursi ee ka mid kanah kuraasta Golaha Shacabka.

Wararka hoose oo ay heleyso Shabakadda HOL ayaa sheegaya in sababaha ugu weyn ee keenay dib u dhaca iney tahay xiisad laga cabsi qabo iney ka dhalato kuraasta qaar oo la sheegay in loo xiray Musharaxiinta qaar, xili Baledweyne ay ku sugan yihiin Musharaxiin aad u farabadan oo si aad ah u hubeysan, kuwaas oo sheegay iney jawaabo cad ka bixin doonaan hadii la isku dayo in kuraasta doorashada shaqsiyaad gaar ah loo xiro.