Qaar ka tiran ilaalada madaxweynaha puntland oo ku geeryoodey shil gaari

0
243

6 askari katirsan ciiddanka Puntland ayaa ku geeriyooday shil gaari oo maanta ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Garowe iyo Dangarayo ee gobolka Nugaal.

Shilkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii gaari ciiddan oo ay la socdeen askartaan uu ku rogmaday meel goolad ah oo kutaala tuulada Karan-dhiig oo labada magaalo u dhaxaysa.

Askartan geeriyootay iyo kuwa kaloo dhaawacmay ayaa kasoo laabtay magaalada Boosaaso, waxayna katirsanaayeen urur ciiddan oo lagu magacaabo Dayax, kuwaas oo kamid ahaa ciiddamadii Boosaso loo geeyay colaadda halkaas ka jirtay.

Saddex kamid ah 8 askari kale oo sidoo kale ku dhaawacmay shlkaan gaari ayaa xaaladdooda caafimaad laga deyrinayaa, waxaana soo gaaray dhaawacyo aad u culus.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida askartan, kadib markii uu maanta dib ugusoo laabtay magaalada Garowe, kadib todobaadyo uu ku sugnaa magaalada Boosaaso.