
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar ayaa kulan la qaatay musharaxiinta u taagan tartanka xildhibaanimo ee Golaha Shacabka.
Madaxweynaha ayaa musharaxiinta u sheegay inay u diyaar garoobaan doorasho daahfuran oo si nabad ah ku dhacda, waxa uuna balanqaaday inaysan dhici doonin in kursi loo xiro cid gaara.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa musharaxiinta kula dardaarmay inay hay’addaha amniga kala shaqeeyaan nabadgalyada Magaalada Beledweyne.
