
Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay 11 kursi oo ah qeybtii labaad ee kuraasta taala magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay iney qabanayaan maalmaha soo socda doorashada 11 kudsi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne.
