Gudiga doorashooyinka koonfur galbeed oo shaaciyey doorashada 4 kursi

0
260

Guddiga hirgelinta doorashada maamul Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa Maanta waxa uu shaaciyay qaar ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Baydhabo Kuwaas oo doorashadooda la qaban doono isbuucan.

Kuraasta la shaaciyay oo Afar ah ayaa kamid ah kuraasta ka harsan 19 kursi ee u dhiman doorashadooda Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana kuraasta la shaaciyay ay kala yihiin.

1: Hop#275 oo uu hadda ku fadhiyo Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan.

2: Hop#230 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Pro, Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (IBBI).

3:Hop#183 oo uu ku fadhiyo Sandheere Maxamed Iftin.

4: Hop#178 oo uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed Amar-dambe.