Mareykanka oo sheegey iney xayiraad kusoo rogi donto kuwa ka masuulka ah dib u dhaca doorashada

0
313

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay ku soo rogayso xannibaado ka dhan ah fiisaha tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo shakhsiyaadka kale ee ku lugta leh dib u dhaca ku yimid doorashada.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in dib u dhaca gabagabada doorashada Soomaaliya ay horseedayso xasilooni darro siyaasadeed oo khatar ku ah guulaha laga gaaray amniga, iyo horumarka dhaqaalaha.

Maraykanka waxa uu ku baaqay in si degdeg ah loosoo gabagabeeyo doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha si hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay qiimeyn doonto tallaabooyin dheeraad ah si kor loogu qaado isla xisaabtanka iyo taageerada geeddi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya.