
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka somaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay ku-xiigeenka wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha bani’aadminimada Adam Cabdulmowlaa.
labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha abaaraha dalka, gurmadka la gaarsiinayo dadka abaartu saameysay iyo isu duwidda dadaallada gurmadka abaaraha ee dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waday dadaalo ku aadan sidii gurmad ay u heli lahaayeen dadka ay saameynta ballaaran ku yeesheen Abaaraha dalka ku habsadey.