
Mareykanka ayaa qaaday weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo ku difaacayay ciidamo dowladda federalka katirsan oo lagu weeraray sugnaa meel u dhow tuulada Dudubley ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, sida lagu sheegay war-saxaafaddeed kasoo baxay taliska Maraykanka ee AFRICOM.
Taliska AFRICOM ayaa sheegay inay qiimaynayaan khasaaraha ka dhashay weerarka, wuxuuna si horudhac u sheegay in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntan.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay weli ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in weerarada al-Shabaab ay khatar ku yihiin mustaqbalka fog ee Maraykanka iyo danihiisa gobolka.
