Ciidamo boliis ah oo ka tirsan amisom oo soo gaaray magalada muqdisho

0
390

Dowladda Uganda ayaa Soomaaliya u soo dirtay cutubyo cusub oo ka tirsan ciidankeeda booliska ee FPU, kuwaas oo qeyb ka noqon doona howlgalka Midowga Afirca ee AMISOM.

Bayaan kasoo baxay howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamada cusub ee maanta kasoo degay magaalada Muqdisho gacan ka geysan doonaan horumarinta shaqada Booliska AMISOM, sare u qaadista sharciga iyo dadaallada xasilinta Soomaaliya, waxaana Uganda ay ugu horreysaa dalalka ciidmada Booliska ah ugu deeqay howlgalka AMISOM, kuwaas oo sidoo kale ay ka mid yihiin waddamada Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Ghana iyo Zambia.

Ciidankan cusub ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxaa qaabilay saraakiil sare oo ka tirsan booliska AMISOM, waxaana sida lagu sheegay bayaankan ay marka hore dhammaysan doonaan karantiil laba toddobaad ah oo khasab ah si waafaqsan tallaabooyinka ka hortagga COVID-19 ee ay dejisay wasaaradda caafiimaadka Soomaaliya.