Gudoomiyaha maamulka gedo oo ka hadley 16 kursi ee taala degmada garbahaareey

0
312

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Mudane Axmed Buulle Gareed oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay doorashada 16-ka kursi ee taalla gudaha magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka, kuwaas oo ay hareereyey murano xoogan.

Buulle ayaa shaaciyey in mas’uuliyadda ugu weyn ay saaran tahay ra’iisul wasaaraha, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay in doorasho ay ka dhacdo Garbahaarey.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo oo hadalkiisa sii wada ayaa sidoo kale xusay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin qabashada doorashada kuraasta taalla degmada Garbahaarey, wuxuuna xusay in doorashada ay u dhici doono si xor iyo xalaal ah.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in haatan aysan wax wada shaqeyn ah kala dhexeyn maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, isla-markaana cidda la doonayo inay wax isku raadiyo ay tahay dowladda federaalka ah, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha.