
Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidano katirsan kuwa Uganda ku leeyihiin degaanka Cadow Dibile oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Uganda iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaanka, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen dadka degaanka.
Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegay inay dileen Saddex Sarkaal oo kamid ahaa miino baarayaasha Ciidamada Uganda walow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.
