
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey doorashada kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland), taas oo lagu qabtay xarunta Dugsiga Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.
Saddexdii kursi ee ugu dambeysay xubnaha gobollada waqooyi ayaa maanta lagu doortay caasimada, waxayna kala yihiin:-
1-Marwo Samsam Muxumed Cumar oo ku guuleysatay kursiga HOP#243.
2-Maxamed Ibraahim Cabdi oo ku guuleystay HOP#206.
3-Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo ku guuleysray kursiga Hop#259.
Dhamman xubnahan ayaa ku soo baxay cod gacan taag ah, kadib markii ay u tanaasuleen musharixiintii la tartami lahaa.
Tani ayaa ka dhigan in guddiga SIET ee Somaliland uu dhaqan-geliyey heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee ahaa in doorashada lasoo gabagabeeyo, ka hor 25-ka Febraayo.
