
Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa ka horyimid natiijada doorashadii kursiga HOP 086, kaasoo shalay doorashadiisa oo ka dhacday Baledweyne uu kusoo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada ayay ku shaaiyeen natiijada hordhaca aheyd ee kuraastii shalay Baledweyne lagu doortay, iyagoona ka reebay kursiga tirsigiisu yahay HOP 086, oo ahaa kursiga lixaad ee kuraastii Baledweyne lagu doortay.
Hakinta natiijada kursiga HOP 086, ayaa imaanaya xili maamulka Hirshabelle ay horey ugu gacan sayreen qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer federal oo ahaa mid lagu hakiyey doorashada kursiga HOP 086, kadibna ay doorashadiisa shalay qabteen.
Qoraalkaan kasoo baxay guddiga doorashada heer Fedaraal ayaa imaanaya xili dhawaan qoraal ay si wadajir ah ugu saxiixnayeen guddoomiyaha guddiga, ku xigeenkiisa iyo xoghaya ay ku sheegeen in ciwaanadii guddiga ay ka maqan yihiin gacantooda, iyadoo markaas kadibna aysan sheegin iney dib ula soo wareegeen ciwaanadii guddiga, mana la ogo ilaa hada cida sida rasmiga ah u maamuleysa boggagii guddiga.
