Xeer ilaaliyaha guud ee qaran oo amar ku bixiyey in la baaro heshiska batroolka ee uu saxiixey wasiirka

1
224

Xafiiska Xeer xilaaliyaha Guud ee Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in la baaro heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed, kaasoo ay kasoo horjeesteen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleeymaan Maxamed Maxamuud ayuu ku sheegay in uu xeer ilaaliyaal u Magacaabay si baaris loogu sameeyo talaabada ku haboona loo qaado heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, iyada oo laga ambaqaadayo baaritaankii hordhaca ahaa ee uu sameeyay Hantidhowraha Guud ee Qaranka.

Hanti dhowrk guud ee Qaranka ayaa shalay dalbadya in baaris lagu sameeyo heshiiska uu saxiixay Wasiirka, sidoo kalena Shaqada laga joojiyo Wasiirka, taas oo keentay in Xelafiiska Xeer ilaalinta Qaranka uu xeer ilaaliyaal u saaro baafista heshiiskaas.

1 COMMENT

  1. Waa in la baaraa fadeexadan batrolka ee uu dhex dabashey abdirashid hadii ay kucadatana lagu maxkamadeyo wayo khiyano qaran,ma aha tan bobkii aad ku sameysen kurasta besha darbane duwe digil adiga iyo salim iwm.

Comments are closed.